Soomaali Weyn Dhab Mise Dhalanteed
Dhammaadkii sagaashanaadkii qarnigii labaatanaad ee na weydaartay, baan galab dukaan ku yiil suuqii Suxeyfa ee magaalada Jidda ee Soomaalidu ay ku ganacsan jireen, waxaan ku arkay buug yar oo qaab baamfalet ah u samaysan. Waagaas oo buugta Soomaalidu ay dhif iyo naadir ahayd, wax walba oo qof Soomaa