Discover the latest and most popular posts across balbalo.
Dhammaadkii sagaashanaadkii qarnigii labaatanaad ee na weydaartay, baan galab dukaan ku yiil suuqii Suxeyfa ee magaalada Jidda ee Soomaalidu ay ku ganacsan jireen, waxaan ku arkay buug yar oo qaab baamfalet ah u samaysan. Waagaas oo buugta Soomaalidu ay dhif iyo naadir ahayd, wax walba oo qof Soomaa
Khudbadii salaadda jimcada ayaa wadaadkii khudbada akhrinayey wuxuu aad ugu dheeraaday geerida culayskeeda iyo dhibaatooyinka la gala kulmo. Kolkii uu khudbadii iyo salaaddii dhammeeyey oo uu dhanka dadka u soo jeestay, ayaa waxaa salaamay nin ka mid ahaa raggii safka hore ku tukanayey. Ninkaasi wux
Maqaalkani waxa uu si qoto-dheer u falanqaynayaa damaca taariikhiga ah iyo kan casriga ah ee Itoobiya ay ku doonayso dhulka iyo badda Soomaaliyeed. Wuxuu xusayaa in ujeedka Itoobiya uu aad uga durugsan yahay helitaanka marin badeed keliya, wuxuuna Soomaalida ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan halistaas
Halkudhegyada dhaqdhaqaaqyada islaamigu ay aadka u adeegsadaan waxaa ka mid ah halkudhegga yiraahda ” Dastuurkayagu waa quraanka”. Tusaale ahaan, halkudhegyada ururka Ikhwaanu Muslimiinku caanka ku yahay waxaa ka mid ah midka yiraahda: “Himiladayadu waa Alle, kaan ku dayanaynaa waa rasuulka, dastuur
Wadaaddada suufiyada oo ku sheeggan dhimrin, dulqaad iyo in aysan dhex gelin Alle iyo uunkiisa, waxay aad u adeegsadaan oraah hadda caan noqotay oo tiraahda: "Waddooyinka Alle tagaa waxay tiro le'eg yihiin neefta uunkiisa / الطرق إلى هللا بعدد أنفاس الخالئق". Wadaaddada suufiyadu si weedhaan - oo ma
Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Hal nin gurrani dheelmay dhanna uma fiyooba”, waxaa taa ka dhigan xaaladda haweenka Soomaaliyeed. Waayo, sida wararku sheegayaan haweenka waxaa u showray wadaaddo iyo oday dhaqameedyo, inta la ogyahayna haweenka waxaa ugu liidid badan qabiilka iyo wadaaddada oo labaduba
Suufinimadu (Tasawuf= Sufism) waa qodob diimaha oo dhammi -Buudiyad, Hinduusiyad, Kirishtaaan, Islaam iyo qaar kaleba -ay wadaagaan, diintuna waxay nooshahay inta ay leedahay nuxur suufinimo, waxayna dhimataa kolka ay dhumiso suufinimada. Nuxurka Suufinimadu waa jacayl. Waxaana xusid mudan, in erayg
Su Dongpo oo sidoo kale loo yaqaan Su Shi (1036-1101), wuxuu ahaa wadaad Buudi ah oo u dhashay dhulka Shiinaha. Wuxuu ahaa nin isbiday aqoon, iimaan iyo xikmad. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu booqasho u aaday wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen, oo labadooda degmo uu u dhexeeyey webiga weyn ee