Discover the latest and most popular posts across balbalo.
24-kii Oktoobar 2023, laba toddobaad ka dib weerarkii Xammaas ay ku qaadday Israa’iil, Wasaaradda Caafimaadka Ee Qasa warbixinteeda maalinleha ah waxay ku sheegtay war argagax leh oo sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay duqaymaha Israa’iil Qasa ku dileen 704 ruux oo Falastiini ah.
Erayadaan kor ku xusan waxaa ku tiraabay oday Hindi ah oo lagu magacaabo Sambhaji Bhide, oo ka tirsan ururka RSS ee hindinimadu madax martay (=Hindutva). Bide intii uu ku gudo jirey ka hadalka faa’iidooyinka canbaha beertiisa ka baxa, dhowr jeer wuxuu soo xigtay buugta sheekoxariiraha Hindida ee Ram
Habeen dhexdaas ahaa mar aan daawaday doodda dhex martay Richard Dawkins iyo Ayaan Xirsi, ayna ii muuqatay sida Ayaan diinta Kirishtaanka u la dhacsan tahay, baan waxaan niyadda iska iri: Malaha waxay ku wanaagsanaan lahayd in Ayaan qummaati u akhrin lahayd buugta Niitje, siiba labadii buug ee ugu d
Abwaankii feylasuufka ahaa ee Maxamed Iqbaal (1877-1938), buuggiisa lagu magacaabo ‘Jaawiid Naama’ oo loo tarjumo ‘Dhanbaalka Waaridda ama Heesta Waaridda’ (=Javid Nama or The Song of Eternity /جاويد نامه أو رسالة الخلود), waxa uu uga warramay Sheydaan gaboobay oo Alle ashtako ugu tagay. Waxaana isw
Soomaali baa laga hayaa: "Cimrigaaga oo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa!" Sidaa waxaa ka dhigan Cabdisaciid oo Amxaaro guryahooda ku booqday, canjeelo iyo basbaasna saxan kula wadaagey. Muddo dheer erayga "Amxaar" agtayda wuxuu ka lahaa hal macne oo ah ‘waraabe muuqaal aadami leh, oo hilibka
Dhammaadkii sagaashanaadkii qarnigii labaatanaad ee na weydaartay, baan galab dukaan ku yiil suuqii Suxeyfa ee magaalada Jidda ee Soomaalidu ay ku ganacsan jireen, waxaan ku arkay buug yar oo qaab baamfalet ah u samaysan. Waagaas oo buugta Soomaalidu ay dhif iyo naadir ahayd, wax walba oo qof Soomaa