Discover the latest and most popular posts across balbalo.
Maanta waa 14kii Feebaraayo, waa maalintii jacaylka. Sidaa aawadeed, sadarrada soo socda waxaan wax yar ku gorfayn doonnaa falsafadda jacaylka. Waa hubaa, in akhristayaal badani ay isweydiin doonaan waxa ay tahay aqoonta iyo khibradda gaarka ah ee aan u leeyahay jacaylka ee fursadda ii siinaysa in a
Ku Allahoode, waxay sheegeen in Buuda uu maalin soo ag maray labo wiil oo ku murmaya: diintayada ayaa ka fiican diintiinna, iyo annaga ayaa Alle idinka badina iyo mayee annaga ayaa idinka badina. Labada wiil mid kastaa wuxuu daliishanayey in dadkiisu ay u sheegeen in Eebbe sidaas yahay, xaqiiqada dh
Marka taariikhda diimaha dib loo raaco, waxaa la ogaanayaa in dunidii hore haweenka iyo ilaahnimada muddo dheer si toos ah loo xiriirin jirey, haweenkuna ahaayeen kuwa looga danbeeyo arrimaha diinta iyo muqaddaska ku saabsan. Taana waxaa ugu wacnaa, tilmaamaha caadifadda iyo raxmadda ee haweenku ay
Dadka af Soomaaliga ka faallooda qaarkood waxay ku doodaan in dhammaan erayada Soomaaliga ah ee ka bilawda xarafka ‘Kh’, ay yihiin erayo Soomaaligu uu ka soo ammaahday afka Carabiga. Erayadaasna waxaa ka mid ah erayga ‘Khuraafaad’. Sheeko-xariiraha Carabtana waxaa ka mid ah sheeko oranaysa;
Aniga iyo saaxiibkay, baa maalin waxaan ku heshiinnay in aan booqanno goob lagu qabanayey carwo ama bandhig caalami ah oo diimaha dunida ku saabsan. Markii aan gaarnay xaruntii carwadu ka socotay ayaan waxaan aragnay in carwadu aad u ballaaran tahay, oo aysan noo suurogalayn in maalin keliya aan uga
Sida la sheegay, wadaad Jabbaan ahaa baa waa macbad ka tujin jirey, ardayna wax ku bari jirey. Wadaadku wuxuu lahaa bisad uu jeclaa, laakiin bisaddu khushuucda salaadda bay ka dhabqin jirtey. Sidaa awgeed, wuxuu amray in xilliga salaadda bisadda la xiro. Markii wadaadkii geeriyoodey waxaa kaalinkiis
Ku Allahoode, waxay wariyeen in wadaad allecaabud ahaa oo webi ku dabaalanaya uu wiil u yimid, kuna yiri: “Shiikhow waxaan rabaa in aan xertaada ka mid noqdo.” Shiikhiina wuxuu weydiiyey: “Maxay tahay sababta aad u doonayso in aad xertayda uga mid noqoto?” Wiilkii xoogaa buu fekaray, wuxuuna yiri: “
Filinkaan "Blossoms in the dust" oo la sameeyey dabshidkii 1941, wuxuu ka mid yahay filimaanta aan xilliga go’an lahayn ee loo yaqaan kalaasigga, ee mawduuca ay ka hadlayaani uu ka dhigo kuwo facyaal kala duwani ay sannado badan daawadaan. Filinku wuxuu ku salaysan yahay qiso dhab ah oo ku saabsan g
Haaneedku waa qaabka la isu taago marka hasha la lisayo iyo dhanka la iska taago. Waa in wiilka hasha lisayaa uu ku istaago hal lug, lugta kale lowgeedna uu saarto gaawaha ama toobkaha uu hasha ku maalayo. Geeljiruhu waxay qabaan in hannaankaasi uu yahay qaabka ugu habboon ee ay tahay in la isu taag
Dadka diimaha haysta qaarkood waxay rumaysan yihiin in sixirku ka bilowday dhulka Baabil, ciddii ugu horraysay ee laga bartayna ay ahaayeen labo malag oo la kala oran jirey Haaruut iyo Maaruut. Halka kuwo kale ay ka rumaysan yihiin in uu ka bilowday Masartii Faraaciinta. Laakiin dhab ahaantii, sixir
Muddo rubcu qarni ka badan ayaan diidi jirey gacan qaadka haweenka aan gayaanka nahay. Muddadaas wax badan baan gacanta ka laabtay gabar salaan ii soo taagtay. Arrinkaas oo aniga iyo gabdhahaba qalbi jab ku ahaa. Waxaana filayaa in ruux kasta oo wuxuun garasho aadami lihi uu dareemi karo xanuunka ay