Discover the latest and most popular posts across balbalo.
Dalalka Maraykanka iyo Sucuudigu waxay hadda ka hor ku heshiiyeen in ay Muslimiintu la diriraan Midowgi Soofiyeeti, sidaana Reer Galbeedku uga nastaan cabsidii joogtada aheyd oo ay kala kulmi jireen ciidamadii casaa. Si taa u suurta gasho, waxaa la isla gartay in dhulalka Muslimka, gaar ahaan kuwood
Tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa (the cold war) ee u dhexeeyay reer Bariga iyo reer Galbeedka ama Xulufada Nato iyo Xulufada Warso oo ey kala hogaaminayeen quwadaha Mareykanka iyo Ruushku, waxaa Afrika ku soo badanayay soo rogaal celinta boobka khayraadka qaaradda duxan ee bikrada ah. Waxaa waa
Oraahda “dhagarta taariikhda / the cunning of history” waxaa loo tiiriyaa feylasuufkii Jarmalka ahaa ee G. W. Hegel (1770-1831), waxaana la rumaysan yahay in oraahdaani ay qayb weyn ka tahay falsafadda Hegel, oo ah midda beddeshay fahanka dad badani ay ka haystaan taariikhda. Sida muuqatana oraahdu
Maadaama diinta loo barto qaab mad-hab ah waqtigan hadda la joogo waxaa soo baxay arrimo badan sida dagaallo badan, ciqaabo aan dadka u cadayn sida ay ku yimaadeen sida; dadka dhagaxa lagu dilo, xuquuqda dumarka oo aad moodid inay inteedii badnayd culimada ka hoos baxday sida inaan gabadhu nin meher
Guuleed wuxuu ahaay wiil dhallinyaro ah, oo aad u maskax iyo miyir badnaa. Markii uu yaraa, wuxuu ku soo barbaaray deegaannada Koonfureed ee Soomaaliya. Wuxuu xifdiyey Qur’aanka, markii uu gaaray toban iyo labo sano jir, wuxuu ahaay cunug aamusnaan badan, mar kasta caraysan, mashquulsan, bulshadana
Muddooyinkaan danbe ururrada Salafiyiintu waxay isku dayaan in ay iska fogeeyaan ururrada xagjirka ah sida Alqaacido, Alshabaab iyo Daacish, mararka qaarkoodna ururadaan waxay ugu yeeraan in ay yihiin Khawaarij diinta khalad u fahmey . Laakiin xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay in fikirk
Inta aanan wax ka ogaan baabka loo yaqaan xuquuqda waxaan u malayn jirey inaan gabdhaha wax xuquuq ahi ka maqnayn, maxaa yeelay waxaan ku kadsoomi jirey hadallo in badan dhegahayga ku dhici jirey sida islaamku wuu karaameeyey gabdhaha, sidaa darteed haddaan maqlo dad ka hadlaya xuquuqda gabdhaha wax
Tixdani waxa ay curatay 23-02-2017. Ararta ka dib waxa ay tixdu ka faalloonaysaa in waxqabsiga ummadeed uu ku dhismo wada tashi iyo isbuuxin, oo haddii uu talada qaran qof keligiis ahi gaar u faashado laga dhaxlo ciribxumo. Waxa ay arrintaas tixdu tusaale uga dhiganaysaa kelitaliskii Soomaaliya 21 s