Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil waa qoraa iyo mufakir Soomaaliyeed oo lagu yaqaan buugaag iyo qoraallo si qoto dheer u falanqeeya diinta, taariikhda, bulshada iyo fikirka.
Dabshidkii 1721, sharciyaqaan Faransiis ahaa oo la oran jirey Charles Montesquieu (1689-1755), ayaa wuxuu soo saaray buug cinwaankiisu yahay "Dhanbaallada Beershiya" (=Persian Letters/رسائل فارسية). Waa buug isla goortii uu soo baxayba ka mid noqday buugta loogu akhriska badan yahay. Haddana lagu ti
Soomaalidu waxay tiraahdaa: "Magac bilaash uma baxo." Waa oraah muujinaysa in magacu uu sabab ku baxo, isla jeerkaasna cidda loo bixiyo uu raad ku yeesho. Culumada cilminafsiga qaarkoodna waxay ku doodeen in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in marar badan magaca iyo muuqaalka qofka la isku so
Hor iyo horraan, aan akhristaha ku baraarujiyo in cinwaanka kor ku xusani uusan ahayn mid aan anigu leeyahay, balse uu yahay magac macallin Turki ahi uu u bixiyey cilmibaarid uu ka diyaariyey sida Turkida iyo diintu ay indhawaalahaan u kala xiriir furanayaan. Macallinkaan oo lagu magacaabo Volkan Er
Jacaylka iyo iimaanku waa shilin labadiisa dhinac, labadubana meel qura oo qalbiga ah bay ka soo fulaan. Jacayl waa iimaan, iimaanna waa jacayl. Jacaylka iyo iimaanka labaduba waxay u baahan yihiin in khatar loo bareero, waayo labaduba dammaanad ma leh, waxaana asal u ah rumayn iyo in cid kale kalso
Sida la hilaadinayo, aadanuhu eyda wuxuu la tacaamulayey muddo 14,000 oo sano ka badan. In eyga la rabbaayadeeyo waxaa la bartay marxaladdii aadanuhu uu ku noolaa qaraabsiga iyo ugaarsiga ee uusan weli baran qodaalka beeraha iyo in magaalo la dego. Culumada qaarkood waxay ku doodeen in eygu uu yahay
Qaar badan oo ka mid ah wadaaddadii Islaamka ee isku dayey in ay quraanka fasiraan, waxay xuseen in Nebi Saleebaan uu la kulmay boqoraddii Saba ee Bilqiis, goortii ay kulmeenna ay dood iyo sheeko wadaageen. Intii dooddu u socotayna Bilqiis waxay weydiisay su'aal oranaysa: "Waxaad ii sheegtaa sida Ra
Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Ludwig Feuerbach (1804-1872) maqaal uu qoray dabshidkii 1863/4 oo cinwaankiisu yahay "Waxyaaabaha ku saabsan ruuxaaniyadda iyo maaddada /Concerning Spiritualism and Materialism", wuxuu ku yiri: "Qofku waa waxa uu cuno /Man is what he eats". Oraahdaan oo caadi ahaan lagu
Sida la wariyo, dabshidkii 1909, Boqorkii Masar ee Khadewi Cabbaas Xilmi 2-aad, ayaa wuxuu niyeystay in uu waajibka xajka soo guto, wuxuuna goostay in gabyaagii Axmed Showqi (1868- 1932) uu ka mid noqdo dadka xajka u raacaya. Showqi dhankiisa, in sannadkaas uu xaj aado qorshaha uguma jirin, isla jee