Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil waa qoraa iyo mufakir Soomaaliyeed oo lagu yaqaan buugaag iyo qoraallo si qoto dheer u falanqeeya diinta, taariikhda, bulshada iyo fikirka.
Aadanaha garaadka lihi, meel walba oo uu dunida ka joogo iyo seben kasta oo uu noolaaba, wuxuu isweydiiyaa weydiimo waaweyn oo jiritaankiisa iyo gebi ahaan jiritaanka kownka ku saabsan. Anigu kumaan ahay? Halkee baan ka imid? Halkee baan ku danbayn? Maxay tahay ujeeddada noloshu?.
Waaxdii hore ee qarnigii 18-aad, khilaafadii Cusmaanidu dhan waxay dagaal kula jirtey qaar ka mid ah dalalka Yurub, dhanka kalena waxay dareentay in waddamada Yurub kuwa ugu itaalka rooni ay safaarado ku leeyihiin Istaanbuul, laakiin iyadu aysan safaarado joogto ah ku lahayn Yurub.
“Shirkii shinbiraha” ama “sheekaysigii shinbiraha” waa buug baarka sare kaga jira buugta fekerka suufiga iyo suugaanta muslimiintu ay curiyeen ee dunida oo dhan laga xiiseeyo. Buuggaan oo ah sheeko maanso ahaan lagu gudbinayo, waxaa qoray suufi Beershiyaan ahaa oo la oran jirey Maxamed bin Ibraahim
Aniga oo ku lugaynaya beer ku taal rug dadka waalan lagu hayo, ayaan waxaan la kulmay barbaar buug falsafad ah akhrisanaya. Habdhaqankiisa iyo caafimaadka ka muuqda labaduba waxay tusinayeen in uusan ka mid ahayn bukaanka rugtaan lagu hayo. Inta ag fariistay baan waxaan weydiiyey: “Maxaad halkaan ka
Sida dad badani ay la socdaan, dabshidkii 2017, wadaad Masri ah oo ka tirsan jaamacadda As-har baa wuxuu soo saaray fatwo uu ku sheegay in aakhiro nebi Muxamed (scw) uu guursan doono Maryan ina Cimraan oo ahayd nebi Ciise hooyadiis.
Maanta waa 14kii Feebaraayo, waa maalintii jacaylka. Sidaa aawadeed, sadarrada soo socda waxaan wax yar ku gorfayn doonnaa falsafadda jacaylka. Waa hubaa, in akhristayaal badani ay isweydiin doonaan waxa ay tahay aqoonta iyo khibradda gaarka ah ee aan u leeyahay jacaylka ee fursadda ii siinaysa in a
Ku Allahoode, waxay sheegeen in Buuda uu maalin soo ag maray labo wiil oo ku murmaya: diintayada ayaa ka fiican diintiinna, iyo annaga ayaa Alle idinka badina iyo mayee annaga ayaa idinka badina. Labada wiil mid kastaa wuxuu daliishanayey in dadkiisu ay u sheegeen in Eebbe sidaas yahay, xaqiiqada dh
Marka taariikhda diimaha dib loo raaco, waxaa la ogaanayaa in dunidii hore haweenka iyo ilaahnimada muddo dheer si toos ah loo xiriirin jirey, haweenkuna ahaayeen kuwa looga danbeeyo arrimaha diinta iyo muqaddaska ku saabsan. Taana waxaa ugu wacnaa, tilmaamaha caadifadda iyo raxmadda ee haweenku ay
Dadka af Soomaaliga ka faallooda qaarkood waxay ku doodaan in dhammaan erayada Soomaaliga ah ee ka bilawda xarafka ‘Kh’, ay yihiin erayo Soomaaligu uu ka soo ammaahday afka Carabiga. Erayadaasna waxaa ka mid ah erayga ‘Khuraafaad’. Sheeko-xariiraha Carabtana waxaa ka mid ah sheeko oranaysa;
Aniga iyo saaxiibkay, baa maalin waxaan ku heshiinnay in aan booqanno goob lagu qabanayey carwo ama bandhig caalami ah oo diimaha dunida ku saabsan. Markii aan gaarnay xaruntii carwadu ka socotay ayaan waxaan aragnay in carwadu aad u ballaaran tahay, oo aysan noo suurogalayn in maalin keliya aan uga
Sida la sheegay, wadaad Jabbaan ahaa baa waa macbad ka tujin jirey, ardayna wax ku bari jirey. Wadaadku wuxuu lahaa bisad uu jeclaa, laakiin bisaddu khushuucda salaadda bay ka dhabqin jirtey. Sidaa awgeed, wuxuu amray in xilliga salaadda bisadda la xiro. Markii wadaadkii geeriyoodey waxaa kaalinkiis
Ku Allahoode, waxay wariyeen in wadaad allecaabud ahaa oo webi ku dabaalanaya uu wiil u yimid, kuna yiri: “Shiikhow waxaan rabaa in aan xertaada ka mid noqdo.” Shiikhiina wuxuu weydiiyey: “Maxay tahay sababta aad u doonayso in aad xertayda uga mid noqoto?” Wiilkii xoogaa buu fekaray, wuxuuna yiri: “