Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil waa qoraa iyo mufakir Soomaaliyeed oo lagu yaqaan buugaag iyo qoraallo si qoto dheer u falanqeeya diinta, taariikhda, bulshada iyo fikirka.
Filinkaan "Blossoms in the dust" oo la sameeyey dabshidkii 1941, wuxuu ka mid yahay filimaanta aan xilliga go’an lahayn ee loo yaqaan kalaasigga, ee mawduuca ay ka hadlayaani uu ka dhigo kuwo facyaal kala duwani ay sannado badan daawadaan. Filinku wuxuu ku salaysan yahay qiso dhab ah oo ku saabsan g
Haaneedku waa qaabka la isu taago marka hasha la lisayo iyo dhanka la iska taago. Waa in wiilka hasha lisayaa uu ku istaago hal lug, lugta kale lowgeedna uu saarto gaawaha ama toobkaha uu hasha ku maalayo. Geeljiruhu waxay qabaan in hannaankaasi uu yahay qaabka ugu habboon ee ay tahay in la isu taag
Dadka diimaha haysta qaarkood waxay rumaysan yihiin in sixirku ka bilowday dhulka Baabil, ciddii ugu horraysay ee laga bartayna ay ahaayeen labo malag oo la kala oran jirey Haaruut iyo Maaruut. Halka kuwo kale ay ka rumaysan yihiin in uu ka bilowday Masartii Faraaciinta. Laakiin dhab ahaantii, sixir
Muddo rubcu qarni ka badan ayaan diidi jirey gacan qaadka haweenka aan gayaanka nahay. Muddadaas wax badan baan gacanta ka laabtay gabar salaan ii soo taagtay. Arrinkaas oo aniga iyo gabdhahaba qalbi jab ku ahaa. Waxaana filayaa in ruux kasta oo wuxuun garasho aadami lihi uu dareemi karo xanuunka ay
Nawaal Sacdaawi buuggeeda “Dhiciddii Imaamka /The Fall of the Imam /سقوط اإلمام” waxay ku bilowday erayadaan: “Waagii aan yaraa Eebbe riyadaan ku arki jirey. Wuxuu lahaa weji u eg kan hooyaday oo caddaalad badnayd iyo wejiga aabbahay oo naxariis badnaa, laakiin saaxiibaddaydii aan isku dugsiga ahayn
Sheeko-xariirta gabarey-maanyada -ama gabadha baddu- waa sheeko ummadaha adduunka badankoodu ay wadaagaan. Waana sheeko kumanyaal sano soo jirtay. Laakiin waxaan si dhab ah loo ogayn meeshii iyo sansaankii ay markii hore ku bilaabatay. Waxaase loo badaniyaa in ay arrimo dhawr ah midkood ka dhalatay,
Bilowgii siddeetanaadkii qarnigii tagay, waxaan muddo guri ku wada noolayn oday cutush ahaa oo aan qaraabo ahayn. Odaygu wuxuu ahaa nin noloshiisa badankeeda miyi ku qaatay, oo malaha markaas baa magaalo ugu horraysay. Sidaa darteed, ma uu oggolayn in uu seexdo qolalka guriga, wuxuuna oran jirey: “I
Fanka noocyadiisa kala duwani waa aalado loo adeegsado in dareen iyo fikrad loogu soo bandhigo sida ugu nuxur iyo quluud badan. Fanka iyo suugaanta oo filimaantu ugu horreeyaan waxay hantaan maanka iyo khayaalka dadka, waxayna ku reebaan dareen iyo saamayn waara. Sidaa darteed, fanku wuxuu ku guulay
Labo toddobaad ka hor, ururka Ikhwaanu Muslimiinku (= Muslim Brotherhood = اإلخوان المسلمون) wuxuu u dabbaaldegay xuska 90 guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka. Waana dhacdo ay tahay in aan durduro lagu dhaafin, balse mudan in si fiican la isu dul taago saamaynta weyn ee ururkaani uu ku yeeshay
Waxaa la wariyey in kolkii tareennada laga hirgeliyey dalka Masar uu wadaad caan ahaa bilaabay in uu dadka uga digo raacidda tareennada, isaga oo ku doodaya in tareenku yahay farsamo gaal, raaciddiisuna ay ka soo horjeedo doonista Alle. Sida la sheegay wadaadku wuxuu daliishaday aayadda 8–aad ee suu
Marka laga yimaado diimaha waaweyn sida Masiixiyadda, Islaamka, Hinduusiyadda iyo Buudiyadda, dunida waxaa ka jira kumanyaal kale oo diimood. Diimahaas kala duwan ee dunida ka jira badankoodu waxay u sii kala baxaan madaahib iyo firqooyin kala geddisan oo mid kastaa diimaha iyo firqooyinka kale ay g
Sida la sheegay, waxaa jirey wiil tan iyo yaraantiisii ay dadku– aabbihi, hooyadi, walaalihiis, deriska iyo dadka tuuladiisa oo dhammi- ay doqon ku sheegi jireen. Wax walba oo uu yiraahdo ama uu sameeyo waxba lagama soo qaadi jirin oo waa hadal iyo ficil dabbaal, murtiduna waa tan tiraahda: “dabbaal